< السورة السابقة | فهرس السور | السورة التالية >



حدد حجم خط الآيات
()


بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَيْلٌۭ لِّلْمُطَفِّفِينَ ۝١

Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.

ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ ۝٢

Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).

وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ ۝۳

Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.

أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ ۝٤

Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.

لِيَوْمٍ عَظِيمٍۢ ۝٥

Maalin wayn darteed (Qiyaamada).

يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ ۝٦

Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.

كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍۢ ۝۷

Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌۭ ۝۸

Ma taqaannaa Sijiin.

كِتَٰبٌۭ مَّرْقُومٌۭ ۝۹

Waa Kitaab calaamaysan.

وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ ۝١۰

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).

ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ ۝١١

Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.

وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ ۝١٢

Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.

إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ ۝١۳

Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.

كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ ۝١٤

Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.

كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍۢ لَّمَحْجُوبُونَ ۝١٥

Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.

ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ ۝١٦

Markaasna ay gali Jaxiimo.

ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ۝١۷

Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.

كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ ۝١۸

Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ ۝١۹

Cilliyiin ma taqaannaa.

كِتَٰبٌۭ مَّرْقُومٌۭ ۝٢۰

Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.

يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ ۝٢١

Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw.

إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ ۝٢٢

Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).

عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ ۝٢۳

(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.

تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ ۝٢٤

Wajigooda waanad ka garan Nicmada.

يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍۢ مَّخْتُومٍ ۝٢٥

Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).

خِتَٰمُهُۥ مِسْكٌۭ ۚ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَٰفِسُونَ ۝٢٦

Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.

وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ ۝٢۷

Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.

عَيْنًۭا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ ۝٢۸

Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.

إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ ۝٢۹

Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.

وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ ۝۳۰

Haday maraanna way xaqirijireen.

وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ ۝۳١

Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).

وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ ۝۳٢

Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.

وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَٰفِظِينَ ۝۳۳

Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.

فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ ۝۳٤

Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.

عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ ۝۳٥

Sariiro korkood yayna wax daawan.

هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ ۝۳٦

Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).