< السورة السابقة | فهرس السور | السورة التالية >



حدد حجم خط الآيات
()


بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ ۝١

Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.

وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ ۝٢

Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).

أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ ۝۳

Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.

بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ ۝٤

Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.

بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ ۝٥

Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.

يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَٰمَةِ ۝٦

Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.

فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ ۝۷

Markase Araggu Wareero (Taagmo).

وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ ۝۸

Dayuxuna Madoobaado.

وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ ۝۹

Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.

يَقُولُ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ ۝١۰

Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.

كَلَّا لَا وَزَرَ ۝١١

Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ ۝١٢

Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.

يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ ۝١۳

Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.

بَلِ ٱلْإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌۭ ۝١٤

Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.

وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ ۝١٥

Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).

لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ ۝١٦

Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).

إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ ۝١۷

Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.

فَإِذَا قَرَأْنَٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ ۝١۸

Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.

ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ ۝١۹

Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.

كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ ۝٢۰

saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).

وَتَذَرُونَ ٱلْءَاخِرَةَ ۝٢١

Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.

وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاضِرَةٌ ۝٢٢

Wajiyaal Maalintaas way ifi.

إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌۭ ۝٢۳

Eebeheedna way Eegi.

وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌۭ ۝٢٤

Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.

تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌۭ ۝٢٥

Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.

كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ ۝٢٦

Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).

وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍۢ ۝٢۷

Oo la Dhoho uaa ku tufi.

وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ ۝٢۸

Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.

وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ ۝٢۹

Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ ۝۳۰

Eebahaa Xaggiisaa la aadi.

فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ ۝۳١

Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.

وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ۝۳٢

Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.

ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ ۝۳۳

Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.

أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ ۝۳٤

Halaag Buuse Mutaa.

ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ ۝۳٥

Haddana Halaagbuu Mutaa.

أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى ۝۳٦

Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).

أَلَمْ يَكُ نُطْفَةًۭ مِّن مَّنِىٍّۢ يُمْنَىٰ ۝۳۷

Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.

ثُمَّ كَانَ عَلَقَةًۭ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ۝۳۸

Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.

فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ ۝۳۹

Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.

أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْۦِىَ ٱلْمَوْتَىٰ ۝٤۰

Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.