< السورة السابقة | فهرس السور | السورة التالية >



حدد حجم خط الآيات
()


بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ نٓ ۚ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ ۝١

Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka).

مَآ أَنتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍۢ ۝٢

Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.

وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍۢ ۝۳

Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn.

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍۢ ۝٤

Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.

فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ ۝٥

Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.

بِأَييِّكُمُ ٱلْمَفْتُونُ ۝٦

kinna waalan (ama la caddibo).

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ ۝۷

Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.

فَلَا تُطِعِ ٱلْمُكَذِّبِينَ ۝۸

Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).

وَدُّوا۟ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ ۝۹

Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.

وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍۢ مَّهِينٍ ۝١۰

Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.

هَمَّازٍۢ مَّشَّآءٍۭ بِنَمِيمٍۢ ۝١١

oo Xanlow ah, isku diraa ah.

مَّنَّاعٍۢ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ ۝١٢

Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.

عُتُلٍّۭ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ ۝١۳

Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).

أَن كَانَ ذَا مَالٍۢ وَبَنِينَ ۝١٤

inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).

إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ ۝١٥

Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.

سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلْخُرْطُومِ ۝١٦

wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.

إِنَّا بَلَوْنَٰهُمْ كَمَا بَلَوْنَآ أَصْحَٰبَ ٱلْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا۟ لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ ۝١۷

Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.

وَلَا يَسْتَثْنُونَ ۝١۸

Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.

فَطَافَ عَلَيْهَا طَآئِفٌۭ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَآئِمُونَ ۝١۹

Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.

فَأَصْبَحَتْ كَٱلصَّرِيمِ ۝٢۰

Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.

فَتَنَادَوْا۟ مُصْبِحِينَ ۝٢١

wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.

أَنِ ٱغْدُوا۟ عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِن كُنتُمْ صَٰرِمِينَ ۝٢٢

iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.

فَٱنطَلَقُوا۟ وَهُمْ يَتَخَٰفَتُونَ ۝٢۳

wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.

أَن لَّا يَدْخُلَنَّهَا ٱلْيَوْمَ عَلَيْكُم مِّسْكِينٌۭ ۝٢٤

inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.

وَغَدَوْا۟ عَلَىٰ حَرْدٍۢ قَٰدِرِينَ ۝٢٥

Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).

فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوٓا۟ إِنَّا لَضَآلُّونَ ۝٢٦

Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.

بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ ۝٢۷

haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.

قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ ۝٢۸

Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.

قَالُوا۟ سُبْحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ۝٢۹

Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.

فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍۢ يَتَلَٰوَمُونَ ۝۳۰

Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.

قَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ ۝۳١

Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay.

عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًۭا مِّنْهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ ۝۳٢

Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.

كَذَٰلِكَ ٱلْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْءَاخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ ۝۳۳

Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.

إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ۝۳٤

Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».

أَفَنَجْعَلُ ٱلْمُسْلِمِينَ كَٱلْمُجْرِمِينَ ۝۳٥

Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.

مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ ۝۳٦

Seed u dhihi kartaan saas.

أَمْ لَكُمْ كِتَٰبٌۭ فِيهِ تَدْرُسُونَ ۝۳۷

Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.

إِنَّ لَكُمْ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ ۝۳۸

oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.

أَمْ لَكُمْ أَيْمَٰنٌ عَلَيْنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ ۙ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ ۝۳۹

Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.

سَلْهُمْ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ ۝٤۰

Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.

أَمْ لَهُمْ شُرَكَآءُ فَلْيَأْتُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ إِن كَانُوا۟ صَٰدِقِينَ ۝٤١

mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.

يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍۢ وَيُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ ۝٤٢

Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.

خَٰشِعَةً أَبْصَٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌۭ ۖ وَقَدْ كَانُوا۟ يُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمْ سَٰلِمُونَ ۝٤۳

Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.

فَذَرْنِى وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ ۝٤٤

Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.

وَأُمْلِى لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِى مَتِينٌ ۝٤٥

Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.

أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًۭا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍۢ مُّثْقَلُونَ ۝٤٦

Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.

أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ ۝٤۷

Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.

فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌۭ ۝٤۸

Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.

لَّوْلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعْمَةٌۭ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ مَذْمُومٌۭ ۝٤۹

Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.

فَٱجْتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ۝٥۰

Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.

وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَٰرِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجْنُونٌۭ ۝٥١

Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).

وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكْرٌۭ لِّلْعَٰلَمِينَ ۝٥٢

Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.